Denmark: Gabadh 13 jir ah oo xallay meydkeeda laga helay waqooyiga Yulaan.

RH: Laba carruur ah ayaa la xiray ka dib markii gabar 13 jir ah meydkeeda laga helay Hjallerup habeenkii Isniinta goor dambe.

Booliska waqooyiga Yuland ayaa ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saarey. Boolisku waxay intaas ku darayaan in gabadha meydkeeda laga helay agagaarka warshadda kulaylka ee Gravensgade.

Wicitaanka degdegga ah waxuu booliska soo gaadhay 10:10 habeenimo Isniintii. Markii boolisku yimaadeen Hjallerup, ayaga iyo shaqaalaha ambalaasta ayaa helay gabadha oo si xun u dhaawacan.

Wax yar ka dib, waxaa goobta lagu xaqiijiyey  inay  dhimatay oonay dhulka ula dhicin, sida boolisku sheegeen. Qaraabada kiiskan ayaa lagu wargaliyey dhacdada.

Booliska waqooyiga Yulland waxay markii dambe xireen wiil 17 jir ah iyo gabar 13 jir ah, sida boolisku ku sheegeen war-saxaafadeed cusub saacaddu markay ahayd 2:45 subaxnimo.

'Waxaan ognahay inuu xiriir ka dhexeeyo marxuumada iyo labada la xidhay, laakiin hadda kama hadli karno sababta dilka. Waxaan si qoto dheer u baari doonaa kiiska oo aan soo bandhigi doonaa dhacdada oo dhan – ka hor kama hordhicikaro,' ayuu yidhi Ku-xigeenka Taliyaha Booliska Mads Hessellund.

Baadhitaano ballaadhan ayaa ka socday xalay Talaadii aagga warshadda kulaylka iyo Sports Alley. Boolisku waxay ku boorrinayaan muwaadiniinta inay ka fogaadaan aagga isla markaana raacaan tilmaamaha kale ee booliska.

Haddii qof  uu hayo macluumaad ku saabsan kiiska, Booliska waqooyiga Yuland waxay sidoo kale ku dhiirigelinayaan in lagala soo xidhiidho telefoonka 114. 'Macluumaad kasta wuxuu noqon karaa mid qiimo leh oo ku biiri kara baaritaanka kiiskan ' ayuu yiri taliyaha booliska. 'Waxaan caddeyneynaa inaan u aragno dhacdadan mid gaar ah oo aad u naxdin badan, laakiin waxaan si buuxda u fahamsanahay in ay keeni karto walwal ku saabsan xaafada iyo goobtan iyo  dadku in ay ka walaacaan  waxa dhici kara.'"

Category